Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray waddo loogu magac daray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed

Oct 15 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xariga ka jaray Waddada Maxamuud Xarbi ee degmada Warta Nabadda iyo waddada Cusub ee loogu Magacdaray Madaxweynihii Hore ee Dalka Cali Mahdi Maxamed ee degmada Cabdicasiis.

Labadaan waddo ayaa waxaa si isxilqaan ah ku dhisay Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya shacabka degan degmooyinka Warta Nabadda iyo Cabdicasiis.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir iyo dadka deegaanka isku tashiga ay muujiyeen, taas oo ka tarjumeyso wadajir iyo wax wada qabsi shacab, isagoo qeybaha kala ee degmooyinka Gobolka Banaadir u diray farriin ku aaddan in ay door weyn ka qaatan dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha oo ay ugu horreyso  waddooyinka muhiimka u ah isu socodka dadweynaha, kobcinta dhaqaalaha iyo bilicda Caasimadda Muqdisho.

Waddadan ayaa isku xirta Gaadiidka Booliska illaa wadada Xeebta Liido, waxaana ay ka mid tahay waddooyinka dib loo dhisay oo Maamulka Gobolka Banaadir uu fuliyay dib u dhiskooda.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More