Khadiijo Maxamed Diiriye oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta ugu sareysa dalka Jabuuti

Oct 23 (Jowhar.com)-Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa maanta la guddoonsiiyey abaalmarinta ugu sarreysa dalka Jabuuti.

Munaasabad ka dhacday dalka Jabuuti ayna goobjoog ka ahaayeen qaar ka mid ah haweenka dalkaas ayaa Wasiirka waxaa abaalmarinta guddoonsiiyey ra’iisul wasaaraha dalka Jabuuti mudane Cabduqaadir Kaamil Maxamed.

Marwo Khadiija Maxamed Diiriye oo warbaahinta la hadashay ayaa ugu mahadcelisay dowladda Jabuuti gaar ahaan Madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xukuumaddiisa.

Wasiir Khadiija ayaa sheegtay maamuuskaan in ay ku hashay muddadii dhawrka iyo 20-ka sano ee u adeegaysay Qaranka, iyada oo ka mid ahayd mas’uuliyiinta goobjoog ka ahaa shirkii Carte ee ka dhacay dalka Jabuuti 2000.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More