Khadiijo Maxamed Diiriye oo markale loo doortay xildhibaan Golaha Shacabka

Wasiirka gargaarka xukuumada federalka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ku guuleysatay markale xildhibaan Golaha Shacabka kadib markii ay tanaasushay musharaxii la tartamayay.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ahayd muddo labaatan sano ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Federalka waxana ay ka mid tahay xildhibaanada ugu caansan baarlamaanka Soomaaliyeed.

Doorashada golaha shacabka ayaa ka socota magaalada Jowhar iyadoo maanta lagu dooranayo illaa lix xildhbaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More