Khadija Cosoble oo loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya Midowga Yurub iyo Belgium

Dr. Khadija Cosoble Cali, oo ah ruug caddaa siyaasadeed iyo aqoonyahan caan ka ah dalka Soomaaliya ayaa loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo Dalka Beljimka.

Marwo Khadija Cosoble ayaa waxaa ay ka mid ahayd illaa toban safiir oo ay maanta ansixiyeen Golaha Wasiirada Dowlada Federalka Soomaaliya.

Dr Khadija Cosoble oo wax ku baratay dalka Maraykanka ayaa waxa ay hore u soo qabatay xilal kala duwan oo ay ka mid tahay Wasiiru Dowle sanadkii 2000-2002 xukuumadii Cali Khaliif Galeyr.

Sidoo kale Marwo Khadija Cosoble ayaa waxaa ay mid noqotay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.
Siyaasiyiin iyo aqoonyahano badan ayaa soo dhaweeyay magacaabista Marwo Khadija gaar ahaan inay noqoto safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo Dalka Beljium iyagoo ku tilmaamay inay Marwo Khadijo Cosoble howsha loo igmaday ay ka soo dhalaali karto.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodi toddobaadlaha ahaa ee maanta waxa ay ku ansixiyeen 10 Safiir oo labo ka mid ah ay dumar ahaayeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More