Khasaare culus oo ka dhashay dagaal Shabaab iyo ATMIS ku dhexmaray Buulo-mareer

Dec 11 (Jowhar.com)- Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar xoogganoo kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday saldhig ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin gudaha magaalada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka oo ku bilowday hoobiyayaal ay Shabaab ku garaacday xerada ay ku sugnaayeen ciidamada Uganda, iyadoo ay xigtay dagaal fool ka fool ah, kaasoo socday mudo ku dhow saacad.

Dad goobjoogayaal ah ayaa kusoo warramay iney maqlayeen hubka noocyadiisa kala duwan ee la isu adeegsanayay, waxaana la soo daristay cabsi xooggan.

Shabaab waxa ay sheegtay in khasaare xooggan ay duulaankan ku gaarsiisay ciidamada Uganda, wallow aysan soo bandhiggin xadiga khasaaaha, mana jirto wax war ah oo dhanka ATMIS kasoo baxay oo la xiriira khasaaraha dagaalka xalay.

Shabaab ayaa dhowr jeer ooh ore weeraro ula beegsatay xeradan, iyagoo sidoo kale ku laayay ciidan badan oo qaarkood saraakiil ay ahaayeen.

Askarta Uganda ee markaas lagu laayay Buulo-mareer ayaa dhaliyay hadal hayn xoogan, waxaana xittaa ka hadlay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni oo sheegay in askarta la cabsi-geliyay markii ay iska-caabin lahaayeen dagaalyahanda Al-Shabaab, taasina mas’uul ka ahaayeen taliyaasha oo dhiira-gelin waayay ciidamada xiliga weerarka bilowday, iyagoo u cararay dhanka degaanka Golweyn, oo ATMIS saldhig kale ku leedahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More