Khasaare ka dhashay dagaal ka dhacay gudaha Garoonka Diyaaradaha laas-Caanood.

Sept. 02 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay iska-horimaad magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ku dhexmartay laba maleeshiyo hubeysan, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Sida wararku sheegayaan, Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhaawacmay saaka garoonka diyaaradaha Laascaanood kadib markii laba malleeshiyo oo qaadoola yaal ah israsaasayn dhexmartay.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in Diyaarad Qaad siday oo garoonka timid uu muranku ka dhashay kaas oo u dhexeeya laba Ganacsade oo Qaadka keena.

Xaaladda ayaa wali kacsan, waxaana xiisada ku baxay mas’uuliyiinta Magaalada Laascaanood, iyadoo dadka dhaawacyada qabana lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee xarunta gobolka Sool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More