Khasaaro culus oo ka dhashay toogasho ka dhacday magaalada Minneapolis

0
32

Sep 16(Jowhar)-Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacantay toogasho ka dhacday magaalada Minneapolis, iyadoo mid ka mid ah dhaawacyada  ay xaaladiisa culus tahay.

Falkan ayaa ka dhacay halka ay iska galaan wadooyinka East Lake Street iyo Stevens Avenue, goobtan ayaa mudooyinkan caan ku eheyd falalka rabshadaha la xiriira, sida uu sheegay taliyaha booliiska magaalada, Brian O’Hara.

Minneapolis ma magaalaada ugu amniga xun ee gobalkan Minnesota baa?

Dabayaaqadii bishii Agoosto, isla aaggaas ayaa toogasho ka dhacday waxaa lagu dhaawacay  saddex qof, balse ayaase wali kiiskaasi baaristiisa wada. Axaddii la soo dhaafay, laba qof ayaa lagu dilay laba dhacdo oo rasaas ah oo kala duwan oo ka dhacay Minneapolis.

Booliiska ayaa sheegay in rasaastii ugu dambeysay Isniintii ay ridayeen dhowr qof, iyadoo rasaas iyo goloofisyo badan laga helay waddada socodka dadka iyo qeyb ka mid ah Midtown Greenway. Cid loo xiray weli ma jirto.

Minneapolis ayaa muddooyinkan dambe caan ku noqotay rabshado iyo dambiyo isdaba joog ah, taas oo ka dhigtay magaalo ka mid ah meelaha ugu khatarta badan gobolka Minnesota.

Sida laga soo xigtay xogaha booliiska magaalada, sanadkan kaliya waxaa dhacay tobanaan falal toogasho ah oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan, iyadoo falalka intooda badan ay ka dhaceen koonfurta magaalada.