Khayre: Qof Qaran ayuu ahaa Gen. Galaal, dowladduna waxay aheyd inay muujiso sida ay uga xanuunsaneyso geeridiisa

Muqdisho, Axad, Febaraayo 14, 2021—Musharrax Madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa maanta Muqdisho uga qeyb galay gogosha tacsida Alle ha u naxariistee Generaal Maxamed Nuur Galaal oo kamid ahaa dadkii ku geeriyooday weerarkii Argagaxiso ee dhawaan lagu qaaday Hotel Afrik.

Mudane Khayre ayaa Generaal-ka Allah uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, waxuuna dhammaan ehelka, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum Maxamed Nuur Galaal oo ahaa astaan qaran oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed u shaqeeyay cimrigiisa inta ugu badan.

“Waxay aheyd in qaranku fidiyo gogoshaan, sababtoo ah qofka dhintay waxuu ahaa qof qaran, muhiimadda iyo ahmiyadda ugu weynna waxay tahay in ay dowladdu u abaal guddo, oo ay muujiso sida ay uga xanuunsaneyso dadka usoo dhintay ee astaanta u ah qarannimada Soomaaliyeed”

General Galaal wuxuu kamid ahaa saraakiishii ugu aqoonta, tababarka iyo darajo sareysay ee hogaamin jirtay ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, ee lagu tilmaami jiray libaaxyadii Afrika. Wuxuuna sanadihii ugu danbeeyay ee noloshiisa ahaa odey waayo arag ah oo kaalin muuqato ku leh nabadeynta iyo dhab u heshiisiinta bulshada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More