Khilaaf Ka Dhashey Casuumaadda Farmaajo oo Halis Geliyay Shirka mucaaradka ee Kismaayo

1

Dec 06(Jowhar)-Xog hoose oo la helay ayaa muujinaysa in Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsameuu si cad u diiday ka qeyb-galka Shirka Mucaaradka ee Kismaayo, haddii lagu casuumaayo Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Go’aankan lama filaanka ah ayaa horseedi kara in shirka dib u dhac ku yimaado, maadaama uu ka mid yahay hoggaamiyeyaasha saameynta weyn ku leh Madasha Mucaaradka.

Deddaallada Lagu Baajinayo Khilaafka

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in:

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed

• iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)

ay hadda si hoose uga shaqeynayaan sidii loo qancin lahaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur, loogana gudbi lahaa tabashada uu ka qabo in Farmaajo lagu casuumo shirka. Labadan masuul ayaa lagu wadaa inay bilaabaan kulamo gaar-gaar ah oo lagu wajahayo arrintan si shirka uusan u burburin.

Aragtida Mucaaradka Kale

Xubno kale oo ka tirsan Madasha Mucaaradka ayaa lagu warramayaa inay la qabaan aragtida Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ah in aan Farmaajo lagu soo darin shirka – inkastoo aysan si furan u sheegin mowqifkooda.

Xog la soo dusiyay ayaa tilmaamaysa in xubnahaasi ay is qarinayaan lamana oga sababaha dhabta ah, iyadoo aan weli la caddeyn waxa ka dambeeya diidmada wadajirka ah ee ka dhanka ah casuumaadda Farmaajo.

Maxaa Laga Filan Karaa?

Khilaafkan cusub ayaa shirka Kismaayo dhigay meel halis ah, waxaana muuqata in:

• Haddii aan xal degdeg ah laga gaarin, uu shirka dib u dhac ku imaan karo.

• Hoggaamiyeyaasha mucaaradka uu weli ka dhexeeyo kalsooni darro siyaasadeed oo ku saabsan doorka Farmaajo.

• Midnimada mucaaradka ay mar kale wajahday tijaabo adag.