Khilaaf soo kala dhex galay guddiga doorashooyinka oo sababay in xilka laga qaado guddoomiyaha guddiga

Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga doorashada Mowliid Mataan ayaa sheegay in xilka laga qaaday Guddoomiyihii Guddiga doorashada Maxamed Xasan Cirro, kaddib mooshin ay ka keeneen xubnaha Guddiga 15 xubnood ayaa u codeysay mooshinka kalsooni kala noqoshada Guddoomiye Cirro.

Kulan ay yeesheen xubno ka mid ah guddiga ayaa waxa ay ku eedeeyeen guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Maxamed Xasan Cirro uu caqabad ku yahay doorashada dalka.

“kadib markii cod loo kalsooni loo qaaday gudoomiye Cirro waxaa ay isku raaceen guddiga in kalsoonida lagala noqday,”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada.
Hase yeeshee qoraal ka soo baxay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa lagu sheegay inaysan jirin xil ka qaadis lagu sameeyey gudoomiyaha guddiga iyo ku xigeenkiisa, ayna hawlahooda shaqo si rasmiya u wataan.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Guddiga ayaa lagu yiri “Waxaan bulshada Soomaaliyeed u sheegaynaa in guddiga doorashada lagu hayo fara gelin ka imanaysa dhinacyo siyaasadeed, taasoo dhibaato ku ah shaqada guddiga, doorashada iyo hufnaanteda.

Halkan ka aqriso qoraalka;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More