Khilaafka u dhexeeya Wasaaradda Waxbarashada iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo meel sare gaaray

Khilaafka u dhexeeya Wasaarada Waxbarashada iyo Maamulka gobolka Banaadir ee ku saabsan waxbarashada caasimada dalka ayaa gaaray heer aad u sareeya kadib markii maanta maamulka gobolka Banaadir uu soo saaray qoraal ka soo horjeeda qoraal kale oo shalay ka soo baxay wasaarada waxbarashada.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Maamulka Gobolka ayaa lagu sheegay in uu maamulo waxbarashada Gobolka sida ku xusan heshiiska dhexmaray Wasaaradda Waxbarashada & Maamulka Gobolka, kaas oo la saxiixay 9-kii Bishii Agoosto 2020 oo ay goob joog ka ahaayeen,

Garyqaanka Guud ee Dawladda, Sii-hayihii xillka Ra’isul Wasaaraha, hey’adaha kale ee heer Fedaraal & kuwa Maamulka Gobolka iyo dhammaan daneeyayaasha kale ee Waxbarashada Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Wasaaradda waxbarashada ay jebisay Dastuurka dalka, isla markaana faragelin toos ah ku heyso nidaamka adeeg daadejinta.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku eedeeya Wasaaradda Waxbarashada inay faragelin toos ah ku heyso Waxbarashada Gobolka, isla markaana ay jebiyeen Dastuurka dalka.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Maamulka gobolka Banaadir

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More