King Charles oo lagu arkay meel fagaare ah kadib markii la shaaciyay inuu ku dhacay Kansar

Feb 06 (Jowhar.com)-Boqorka Ingiriiska King Charles ayaa lagu arkay meel fagaare ah markii ugu horeysay tan iyo markii la ogaaday inuu qabo nooc ka mid ah cudurka kansarka.

Aqalka Boqortoyada Buckingham Palace ayaa Isniintii ku dhawaaqday in Charles, 75, oo la boqray wax ka yar 18 bilood kadib markii ay geeriyootay hooyadiis Queen Elizabeth, laga helay cudurka oo uu joojin doono hawlihiisa guud si loo daweeyo.

Qasriga Buckingham ayaa sheegay in boqorku uu aad u wanaagsan yahay uuna rajeynayo inuu sida ugu dhaqsaha badan ugu soo laabto shaqadiisa xafiiska dadweynaha.

Amiir Harry, oo ka tagay shaqadii boqornimada sanadkii 2020, wuxuu dib ugu laabtay Ingiriiska isagoo ka yimid California halkaas oo uu kula nool yahay xaaskiisa Mareykanka Meghan iyo laba carruur ah si uu u arko aabihiis ka dib markii Charles uu u sheegay isaga iyo qoyskiisa kale cudurka.

Si kastaba ha ahaatee, ilo boqortooyo ayaa sheegay inaysan jirin wax qorshe ah oo Harry uu ku arkayo walaalkiis ka weyn, dhaxal-sugaha carshiga Amiir William, inta lagu guda jiro booqashadiisa Britain.

William ayaa la filayaa inuu uu qabto qaar ka mid ah waajibaadka boqortooyada, isagoo ay weheliyaan xubnaha kale ee qoyska boqortooyada halka Boqor Charles uu bilaabayo daaweyn bukaan-socod oo joogto ah.

Qoyska boqortooyada ayaa inta badan sheegin arrimaha caafimaadkooda, laakiin qasriga ayaa sheegay in Charles uu doortay inuu si guud u shaaciyo cudurkiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More