Kismaayo oo lagu xiray wiil sheegay inuu jiro Aabe gabadhiisa qaba oo caruur ka dhalay.

May 26 (Jowhar.com)-Ciidamada Jubaland ayaa xabsi ku yaala magaalada Kismaayo ku xiray wiil dhalinyara ah oo la sheegay inuu war been abuur ahaa ku faafiyay aalada Titok ee muuqaalada gaagaaban lagu baahiyo.

Muuqaalka uu duubay wiilkan waxa uu ku sheegay in uu Kismaayo ku noolyahay nin ay xaas u tahay “gabadh uu aabbe u yahay”, islamarkaasna ay carruur u dhashay, isagoo muuqaalka ciidanka Jubaland uga dalbaayay iney arintaasi wax ka qabtaan.

Booliska gobolka Jubbada Hoose oo baaris deg deg ah sameeyay ayaa sheegay ineysan waxba ka jirin eeda, iyagoo amray in la soo xiro Cabdirisaaq Cabdullaahi Nuur oo ah wiilka sheekadan bulshada ku dhex faafiyay.

Ciidamada Jubaland ayaa wiilkan eedeysnaha ah ka soo qabtay hoy uu ka degan yahay magaalada Dhoobleey, waxaana diyaarad loogu soo qaaday Kismaayo, halkaasoo lagu xiray, iyadoo ay socoto baaris ku aadan waxa ku qasbay falkan.

Saraakiisha ciidamadda Booliiska ayaa dhinaca kale uga digay dhallinyarada in ay ka fogaadaan waxyaabaha diinta ka hor imaanaya, iyagoo sheegay iney talaabo ka qaadi doonaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More