Mar 16(Jowhar)-Maamulka Koofur Galbeed ayaa amar cusub ku soo rogay saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida ee ka howlgalla deegaannada maamulkaas, kaas oo lagu farayo in aysan u safri karin magaalada Muqdisho ilaa amar dambe.
Amarkan oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Koofur Galbeed ayaa lagu wargeliyay dhammaan saraakiisha ciidanka ee ku sugan deegaannada maamulka, iyadoo lagu adkeeyay in safarro shaqo ama kuwo gaar ah oo ay ku tagayaan caasimadda aan la oggolaan doonin waqtigan.
Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli saacadihii la soo dhaafay ay isa soo tarayeen wararka la xiriira xiisad siyaasadeed oo ka dhex aloosan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koofur Galbeed. Ilaa hadda faahfaahin rasmi ah lagama bixin sababta dhabta ah ee keentay amarkan, balse falanqeeyayaal ayaa sheegaya in uu la xiriiro khilaafka siyaasadeed ee labada dhinac.











