Saturday, March 28, 2026
Home NEWS Koofur Galbeed oo kudhawaaqday Liiska xildhibaanada cusub ee baarlamaanka

Koofur Galbeed oo kudhawaaqday Liiska xildhibaanada cusub ee baarlamaanka

94

Mar 28(Jowhar)-Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa kudhawaaqay liiska mudanayaasha baarlamaanka cusub.

Sida xoguhu sheegayaan, maanta oo Sabti ah ayaa la dhaarin doono, ka dibna waxaay iska dhex dooran doonaan guddoonka, waxaana tani ay muujinaysaa in aysan dhanka Baydhabo jihada Buurhakaba u joojineyn.

Ilo wareedyo xogogaal ah ayaa sheegaya in ay dowladda Federaalka doonayso in kahor Isniinta ay weerarto Baydhabo, si ay u baajiso doorashada Laftagareen oo haddii ay dhacdo uga dhigan tahay dhimasho siyaasadeed, si kasta oo dagaal loo qaado.

Dowladaha Masar iyo Itoobiya ayey xoguhu tilmaamayaan iney kala shakisan yihiin, iyadoo labada dhinac kala taageersan, waxaana la ogeyn cida ku adkaan doonta duulaankan.