Koofur Galbeed oo xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex askari

Oct 21 (Jowhar.com)-Koofur Galbeed ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex askari oo loo heysto dil ay hore uga geysteen deegaanada maamulkaasi.

Xuseen Cali Macalim limaan (Gurey) oo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed, Cabduwaaxid Cali Sheikh Aadan oo ka tirsan Militaryga & Cabdulaahi Ibraahim Yarow (Borow) oo Boliiska KGS ka tirsan ayaa subaxn Baydhabo Dusheeda looga Oofiyay Dambiyo dhiig Daadin ah oo ay Hore u galeen.

Labada Hore ayaa Beerta Qurun Jiis oo DegaanDug Baydhabo ku taal ku dhex Dilay marxuum Muxudiin Maxamed Cabdiraxmaan June 18 2018-kii.

Kan Dambe waxa uu Dilay Isgoowe Maxamed Aadan June sedaxdeedii sanadkan, marxuumka ayaa ahaa Farmashiiste isku diyaarinayay Guri gal laakiin u dhintay ka doodidda xabad kor loogu riday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More