Koox hubeysan oo dil ka geysatay magaalada Boosaaso

Dec 01 (Jowhar.com)-Allaha U naxariistee waxaa maanta Magalada Boosaso Lagu dilay Khadar Cabdi Cali, oo ahaa Guddoomiyaha dhalinyarada Soomaali Galbeed ee Puntland.

Ninkii dilka gaystay ayaa goobta ka baxdaday,waxaana dhaawac soo gaaray wiil yar oo uu dhalay marxuunka la dilay.

Ciidamada amniga ee maamulka Puntland oo sameeyay howlgal ayaa ku fashilmay iney gacanta kusoo dhigaan danbiilayaasha falkaasi dilka ah geystay.

Sidoo kale majiro wax war ah oo laamaha amniga iyo mas’uuliyiinta gobolka ay kasoo saareen dilkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More