Koox sheegatay mas’uuliyadda weerar ismiidamin oo ka dhacay Turkiga

Oct 01 (Jowhar.com)-Kooxda la mamnuucay ee Kurdistan Workers’ Party (PKK) ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay bartamaha caasimadda Turkiga.

War ay soo saartay wakaaladda wararka ee ANF ay sheegtay oo ah shabakad ku dhow kooxda hubeysan.ayaa lagu sheegay in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah oo la qorsheeyay in lagu soo beego xilliga uu furmayo baarlamaanka.PKK waxa ay Turkiga, Maraykanka iyo Midowga Yurub u aqoonsan yihiin urur argagixiso.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu, labada nin ee weerarka qaaday ayaa gaariga ka afduubtay ay dhakhaatiirtu isticmaalaan gobolka dhexe ee Kayseri, oo ah magaalo 260km (161 miles) koonfur bari kaga beegan Ankara.

Muuqaallada Kaamirada CCTV-ga ayaa muujinayay gaari ku sii jeeday albaabka weyn ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo mid ka mid ah dadkii saarnaa oo si deg deg ah ugu dagay kuna cararay dhismaha ka hor inta uusan is qarxin.

Hase yeeshee qofkii labaad ee doonayay inuu isaguna is qarxiyo ayay ciidamada ammaanka ku guuleysteen inay toogtaan. Weerarkan ismiidaaminta ah ayaa dhacay saacado ka hor inta aan la furin baarlamaanka Turkiga ka dib fasaxii xagaaga.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku tilmaamay weerarkan inuu ahaa isku daygii ugu dambeeyay ee argagaxisada. “Kuwa khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka muwaadiniinta ma aysan gaarin hadafkoodii mana gaari doonaan waligood,” ayuu yiri Erdogan.

Kooxaha PKK iyo ISIL ayaa horey weeraro noocaan oo kale ah uga geystay goobo loo dalxiis tago iyo xarumaha magaalooyinka dalka Turkiga.

Dhacdadan ayaa timid ku dhawaad ​​hal sano kadib markii lix qof ay ku dhinteen 81 kalena ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay waddo mashquul badan oo ku taalla bartamaha Istanbul. Waxayna dowlada Turkiga ayaa ku eedeeysay dagaalyahannada Kurdiyiinta.

Baarlamaanka Turkiga ayaa la filayaa inuu ka doodo ansixinta dalabka Sweden ee ku biirista NATO toddobaadyada soo socda ka dib markii Ankara ay soo saartay diidmo horudhac ah oo ay dib u dhigtay ballaarinta ururka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More