Kooxda Al-Shabaa oo Kudhowaad 20 qof ku dishay gobolka Hiiraan.

Sept. 03 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar dagaal yahano ka tirsan Al-Shabaab ay ka geysteen Galbeedka magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen, dagaalamayaal Shabaab ah ayaa dhexda u galay gawaari raashin siday oo ka baxay magaalada Beledweyn, iyagoo kusii jeeday deegaano kamida isla gobolka oo ay Maxaas kamid tahay.

Inta la xaqiijiyay waxaa la dilay 17 qof oo Shacab ah oo isugu jira rag iyo dumar, iyadoo dab la qabad siiyay 7 gaari oo ay dadkaasi wateen, iyadoo wali meydadka dadkaasi ay yaalaan aagga lagu toogtay, waxaana adag in gurmad loo sameeyo.

Waxaa jira warar sheegaya in laba gaari oo ay dad badani saarnaayeen oo gurmad ahaan uga baxay magaalada Beledweyn, kuwaasoo ay Miino la kacday, lama soo sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, maadaama goobahaasi ay isgaarsiinta ka go’antahay.

Lama oga sababta ay kooxda Shabaab u beegsatay dadkan shacabka ah, iyadoo maamulka Hirshabelle wali aaney wax war ah ka soo saarin xasuuqan ka dhacay duleedka magaalada Beledweyn, iyadoo maalmahan ay hakad galeen howlgaaldii ka dhanka ahaa Shabaab.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More