kooxo hubeysan oo caawa hooygiisa ku wereerartay wariye caan ku ah ciyaaraha

March 29 (Jowhar.com)-Saddex nin oo ku hubeysan bastoolado ayaa waxey risaas ku fureen gaari uu saarna Agaasimahii ciyaaraha ee ASTAANTV Mohamed Abi Muudey xili uu ku sugna nawaxiga gurigiisa oo ku yaala dagmada waajir ee magalada Muqdisho.

Ragga weerarka soo qaadey ayaa lagu sheegay iney ka tirsanyahiin ururka Al-shabaab ,hasayeesha ciidamo ka agdhawaa goobta weerarka uu ka dhacay ayaa ku so baxey goobta.

Ma jirto khasaaro dhaawac ama dhimasho ka dhashey weerarka ,waxaana baxsadey ragii weerarka so qaadey.

warar kale duwan ayaa xaqiijinaya in ururka Alshabab dhawaan maxkamada ugu yeertay Maxamed cabdi muudey balse uu xaadiri waayay.

waxaana wararka intaas ay ku darayaan inuu baahiyay warar ciyaarooo ku saaban haween soomaliyeed, taasoo ay ka carootay kooxdan.

Si kastaba, waxaa noo suurgali weysay inaan wareysi arintan kala yeelano wariyaha, isagoo aan ka.jawaabin wicitaanadeena.

Alshabab ayaa ku amartay dhamaan xiriirada ciyaaraha ee ka jira soomaliya in haweenka aysan ciyaari karin, iyagoo aan cadeynin sababta ay arrintan ka damacsan yihiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More