Kooxo hubeysan oo Macalin Dugsi Qur’aan iyo Xaadkiisa ku dilay Galgaduud

Jun 23(Jowhar.com)-Koox hubeysan ayaa xalay saq-dhexe  degaanka Gorfaale oo dhexeeya Cada-Xaar iyo  Bulacle  oo hoostaga dhuusamareeb ku dilay nin iyo xaaskiisa xilli ay jiifeen.

Allaha unaxariistee ninka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cali (Jalaqle) waxaana dhimashadiisa sababtay rasaas ay ku fureen dab-layda hubeysanaa.

Meydka Marxuumiinta ayaa wali yaal halka falku ka dhacay’ waxaana goobta isaga baxsaday kooxdii falkaasi ka danbeysay.

Dikan ayaa la xiriira aanooyinka qabiilka ee ka jiro deegaano badan oo kamid ah gobolka Galgaduud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More