Kooxo hubeysan oo nabadoon caan ka ahaa Hirshabelle ku dishay Sh.dhexe

Apr 03 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil xalay magaalada Jowhar loogu geystay nabadoon caan ka ahaa deegaanada maamulka Hirshabelle.

Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Xasan Cali Muude ayaa waxaa dabley hubeysan ay ku dileen tuulada Casir Maal oo hoostegtaga magaaladaasi.

Qaar kamid ah ehelka marxuumka ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in nabadoonka ay dabley qoryo ku hubeysan ay kala dageen gaari uu saarnaa, iyagoo rasaas kala dhacay qeybaha sare ee jirka ilaa nafta ay ka baxdo.

Waxa ay sheegeen in dilkan aysan ka danbeyn Shabaab oo ay geyateen dabley aano qabiil u abaabulan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in laamaha amniga Jowhar ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah kooxdii dilkan ka danbeysay, kaasoo baaritaano ay ku socdaan.

Si kastaba, Dilkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee ka dhaca Shabeelaha Dhexe oo ay sidoo kale ku badan yihiin dagaal beeleedyo gaystay khasaarooyin kala duwan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More