Kooxo hubeysan oo Nabadoon ku dishay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

August 24 (Jowhar.com-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil kooxo Bistoolado ku hubeysan ay barqanimadii maanta ka geysteen gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ninka la dilay oo oday dhaqameed ahaa ayaa lagu magacaabi jiray Nabadoon Maxamed Nuur Diiriye, waxaa la sheegay inuu Darawal u ahaa Nabadoon Axmed Diiriye oo si weyn looga yaqaano Muqdisho.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in marxuumka laga toogtay qeybaha sare ee jirka, waxaana loo cararay goobaha caafimaadka, walow uu dhexda ku sii dhintay, sida ehelkiisa ay sheegeen.

Ciidamada dhar cadka ee NISA ka tirsan ee ka howlgala gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa halkaasi ka sameeyay howlgalo baaritaana ah, walow aysan ku guuleysan iney gacanta ku soo dhigaan ragii dilka ka danbeeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More