Kudhowaad 20 ruux oo lagu toogtay weerar ka dhacay Kaniisad ku taala Jarmalka
Mar. 10 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar toogasho ah oo xalay fiidkii ka dhacday magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka, iyadoo weerarkaasi uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Ugu yaraan toddoba qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen, tira kalana ay ku dhaawacantay weerarkan oo si gaar ah uga dhacay Kaniisad ku taala magaalada Hamburg, 10 ruux ayaa la soo sheegay iney toogashadan ku dhaawacmeen
Booliska magaaladaasi waxey sheegeen inay wadaan baaritaan la xiriira falkan, iyagoo warbaahinta u sheegay iney dib xogta oo dhameystiran ka soo siin doonaan.
Dadka magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka ayey booliska ka codsadeen ineysan guryohooda ka soo bixin, maadaama la baadi goobaayo dambiilayaasha aan wali la aqoonsan.