Kulan looga hadlayay amniga gobolka Gedo oo lagu qabtay Beled-xaawo

Apr. 19 (Jowhar.com)-Taliyaha amniga gobolka Gedo General Jamaal Xassan Sareey oo ku sugan Degmada Beled Xaawo ayaa maanta Shir gudoomiyay shir looga hadalayay amniga iyo xasiloonida guud ee Gobolka Gedo iyo Kan Degmada Beled Xaawo.

Shirkaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha Booliska Gobolka Gedo G/le sare Cabdiqadir Cumar Bixii,Taliye xigeenka qaybta 43 aad ee Ciidamada xoogga Dalka Gashaanle Sare Cismaan Axmed Xaaji,Abaandulaha Guutada 10aad qaybta 43aad ee Xoogga dalka Gaashaanlle sare Cismaan Sh.Cabdi Qorax ,Taliyaha Sirdoonka Gobolka Cabdiqadir Xusein, Taliyaha Nabad Sugida Degmada Cali Abshir , Gudoomiyaha degmada Beled Xaawo Cabdirashiid Cabdi Arok iyo Saraakiil kale.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlay Amniga guud ee Gobolka Gedo iyo sidii loo adkeyn lahaa amniga ,xasiloonida iyo midnimada guud ee gobolka iyo degmada Beled Xawo ee gobolka Gedo.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xili wali loolanka maamulka gobolka Gedo uu taagan yahay, Junaland ayaa dalbanaya in gacabtooda gobolkaasi lagu soo celiyo, walow siyaasiyiinta gobolkaasi ay arrintaasi si cad isaga diideen, mowqifka dowladda dhexe ee murankan wali ma cada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More