Kulan u dhexeeyay Deni iyo gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo natiijo la’aan ku soo dhamaaday.

July 27 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya magaalada Garoowe ayaa sheegay in natiijo la’aan uu ku soo dhamaaday kulan u dhexeeyay madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Wararka ayaa sheegaya in la isku fahmi waayay xallinta Xiisadda Siyaasadeed ee u dhexaysa Baarlamanka iyo Madaxtooyada, islamarkaana ka dhalatay Arrimaha Garsoorka, maadaama dhawaan xildhibaanada ay diideen iney ansixiyaan hay’adaha garsoorka uu soo magacaabay madaxweyne Deni.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in Siciid Deni oo fashilka gudoomiyaha ka soo wajahay ka duulayo uu bilaabay inuu kala fur furo xildhibaanada, waxa uu xalay kulan la qaatay Xildhibaannada laga soo doorto Sool, Sanaag iyo Cayn.

Waxa uu kala hadlay sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen xal u helista Arrimaha Garsoorka, lama oga sida ay madaxtooyada ugu guuleysan doonto arrintan oo ah caqabada ugu daran ee heysata.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More