Kulanka Golaha Shacabka oo looga dooday habraaca wax ka bedelka dib u eegista Dastuurka

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Jamhuuriayadda federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo guddoomiyaha golaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi iyo ku xigeennada labada aqal ayaa maanta shir guddoomiyey kalfadhiga 3-aad kulankiisa 5-aad ee wadajirka ah.

Ajandaha kulankaan oo ahaa akhrinta iyo ka doodista habraaca wax ka bedelka dib u eegista Dastuurka KGM ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada aqal baarlamanka JFS Xil. Xuseen Iidow iyo xoghayaha guddiga Senator Siciid Cawke ayaa fadhiga golaha ka hor aqriyay warbixinta iyo habraaca wax ka bedelka Dastuurka Federaalka, iyagoo xildhibaannada u sharxay habraaca wax ka bedelka dastuurka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa mid mid u dul istaagay qodobo dhowr ah oo muhiim u ah hanaanka geedi socodka dowladnimada dalka.

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamanka JFS oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in Xildhibaannada beri ay soo laabtaan si halkiisa looga sii wado dooda xildhibaanada ee akhrinta habraaca wax ka bedelka dib u eegsita Dastuurka KMG ah ee JFS.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More