Kulankii baarlamaanka ee maanta oo la joojiyay

Kulanka xildhibaanada Baarlamaanka ee la qorsheeyay in maanta oo Isniin ah ay isugu yimaadaan ayaa dib loo dhigay illaa iyo maalinta Arbacada ah.

Fariinta loo kala diray xildhibaanada golaha shacabka ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba la joojiyay kulankaasi illaa maalinta arbacada ee 31ka bishan.

“Mudane Xildhibaan shirkii beri oo Isniin ah ee loo balansanaa waxaa uu dib loo dhigey maalinta Arbacada ee tariikhdu ku beegan tahay 31 March”. ayaa lagu yiri fariinta loo kala diray xildhabaanada Baarlamaanka.

Dib u dhigistan ayaa ka dambeysay kadib markii beesha caalamka ay cadaadis xoog leh ku saareen madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Kulanka baarlamanka oo shaki weyn laga qabay in muddo kordhin loogu sameeyo Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa hareeyey diidmo xoog leh oo ka timid midowga musharaxiinta,beesha caalamka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada.

Kulan albaabada ay u xiran yihiin ayaa madaxtooyada waxaa ku kulmay Madaxweyne Farmaajo,Ra’iisul Wasaare Rooble,Madaxweynayaasha HIrshabelle, Galmudug iyo Koofurgalbeed iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More