Kuleyl daran oo saameeyay 16 magaalo oo ka tirsan Talyaaniga

July. 15 (Jowhar.com)-Digniin ayaa laga soo saaray 16 magaalo oo ku yaalla dalka Talyaaniga oo kuleyl aad u daran kajiro iyadoo kulaylka uu weli saameynayo koonfurta Yurub.

Dawladda Talyaanigu waxay kula talisay cid kasta oo ku sugan meelaha ay khusayso digniinaha cascas ee Sabtidii inay ka fogaadaan iftiinka qorraxda tooska ah inta u dhaxaysa 11:00 iyo 18:00, oo ay si gaar ah u daryeelaan waayeelka iyo kuwa jilicsan.

Kulaylka ayaa socda muddo ka badan sidii caadiga ahayd ee horay looga bartay, heerkulka habeenkiina waa mid aad u sareeya.
Heerkul sare oo dheeraad ah ayaa la filayaa Yurub toddobaadka soo socda.

Dhanka kale, Giriiga heerkulku waxa uu gaaray 40C (104F) ama ka badan maalmihii la soo dhaafay. Acropolis ee Athens – oo ah meesha ugu caansan ee loo dalxiis tago – ayaa la xiray saacadaha ugu kulul ee Jimcaha iyo Sabtida si loo ilaaliyo booqdayaasha.

Waxa kale oo jirta cabsi laga qabo in ay khatar weyn ka dhalato dabka duurjoogta ah, gaar ahaan meelaha ay dabayshu ku badan tahay,Giriiga waxaa sanadkii 2021 ka kacay dab aad u weyn.

Dhinaca kale, dab ka kacay kaymo ku yaalla jasiiradda La Palma ee dalka Spain ayaa ku khasbay in la daadgureeyo ugu yaraan 500 oo qof, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dabka ayaa subaxnimadii hore ee Sabtida ka kacay El Pinar de Puntagorda, waxaana uu baabi’iyay ugu yaraan 11 guri, sida uu sheegay madaxweynaha jasiiradaha Canary Fernando Clavijo.

Heerkulka sare ayaa sidoo kale gaaray bartamaha Yurub, iyadoo Jarmalka iyo Poland ay ka mid yihiin wadamada uu saameeyay.
Xafiiska saadaasha hawada ee Czech Republic ayaa soo saaray digniin ah in heerkulka dhamaadka usbuuca uu ka sare mari karo 38C.

Mowjadaha kulaylka ayaa sidoo kale laga dareemayaa qaybo ka mid ah Maraykanka, Shiinaha, Waqooyiga Afrika iyo Japan.
Bishii hore ayaa ahayd bishii June ee ugu kululayd ee la diiwaan geliyo, sida laga soo xigtay adeegga la socodka cimilada ee Midowga Yurub ee Copernicus.Heerkulkii ugu kululaa ee abid laga diiwaan geliyo Yurub wuxuu ahaa 48.8C Sicily bishii Agoosto 2021.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More