Kuraastii ugu horeysay ee doorashada Golaha Shacabka Gaalkacyo oo la shaaciyay

Guddiga Doorashada heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa shaaciyay qabashada doorashada 11-ka kursi ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Gaalkacyo.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu soo bandhigay liiska 11 kursi ee doorashadooda ay ka dhacayso magaalada Gaalkacyo.

Halkan hoose ka aqriso kuraasta doorashadeedu ka dhacayso Gaalkacyo iyo magacyada xildhibaanadii hore ugu fadhiyay.

1: Hop#001 Warsame Maxamed Xasan (Joodax)
2: Hop#018 Qaasim Maxamed Jaamac.
3: Hop#038 Axmed Macalin Fiqi.
4: Hop#101 Xersi Aadan Rooble.
5: Hop#060 Ubax Tahliil Warsame.
6: Hop#095 Cabdikariin Khaliif Cabdi (Dhalac).
7: Hop#069 Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa.
8: Hop#017 Duniya Maxamed Cali.
9: Hop#020 Cali Axmed Shariif Cusmaan.
10: Hop#013 Maryan Maxamed Xuseen.
11 Hop#021 Maryan Xaaji Cabdi Geedi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More