Kursiga uu ku fadhiyay Cabdiweli Muudey oo loo doortay Maxamed Cabdalla

Maxamed Cabdalla Axmed ayaa ku soo baxay kursiga #HOP145 oo saaka doorashadiisa ka dhacday Baraawe. Kursigan ayaa waxaa horay ugu fadhiyay C/weli Muudeey Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 10aad.

Xildhibaan Maxamed Cabdalla ayaa ku dhashay deegaan ka tirsan Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxaa la sheegaa inuu heysto dhalashada Australia.

Sidoo kale doorasho ka dhacday saaka magaalada Baraawe ayaa Maxamuud Axmed Maxamed waxa uu ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-045 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 90-cod halka musharaxii la tartamayey ee Yuusuf Maxamed Cabdulaahi uu heley 8-cod, waxaana halaabay Saddex cod.

Kursiga Hop#045 ayaa waxaa horay ugu fadhiyay oo tartanka laga reebay Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More