Laba askari oo hore dil u geystay oo saaka lagu toogtay magaalada Baydhabo

Oct 24 (Jowhar.com)-Koofur Galbeed ayaa saaka mar kale xukun dil toogasha ah ku fulisay laba askari oo boolis iyo Milatari kala ah, kuwaasoo loo heysto dil ay hore u geysteen.

Ex dable xoogga Yuusuf Isaaq Nuur Aadan ayaa maanta magaalada Baydhaba looga oofiyay qisaasta marxuum Mustaf Xaaji Xasan Madkuus oo uu dilay kadibna uu Ceel ku riday si aan Loo arkin meedkiisa.

Dhinaca kale Ex dable Boolis Aadan Maxamed Xasan Ibraahim (Boqol) ayaa isna loo toogtay dilka Sheekh Cali Ahmed oo ahaa wayeel 65 jira dilka ayaana yimid ka dib markii marxuumka uu isku dayay in uu dilaaga ka waaniyo isbaaro u taalay gudaha Xaafad ku taala Baydhaba.

Koofue Galbeed ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhisay tirada dadka xukinada qisaasta ah lagu fulinayo, iyadoo shalay oo u danbeysay laba qof tiirka la geeyay oo la toogtay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More