Labo Maxbuus oo lagu dhex diley Maxkamada degmada Jowhar

Feb. 13 (Jowhar.com-Maxkamada degmada Jowhar ayaa lagu dhex diley 2 maxbuus oo loo haystey dilka wiil yar oo saddex sano jir ah.

Dhagaysiga maxkamada marka ay dhamaatay lagana soo saaray maxaabiista qolka dhagaysiga maxkamada ayaa waxaa rasaas ooda ugaga qaaday labada maxbuux askari la sheegay inuu dhalay wiilka lagu eedeynayay maxaabiistan.

Askariga dilka geystey ayaa ka baxsaday goobta waxaana la sheegay inuu ka tirsanaa maleeshiyaadka sida macawisleyda oo kale u howlgala laguna magacaabo AFJAR,kuwaasoo xaruntoodu tahay deegaanka Xawaadley.

Maxaabiista la diley ayaa loo haystey dilka wiil saddex sano jir ah oo meydkiisa xilli laga helay kanaalka Barwaaqo ee magaalada Jowhar.

Meydka wiilka ayaa ka muuqday sida la sheegay jirdil waxana qoorta uga xirnaa xarrig. Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay ciidamada booliska degmada Jowhar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More