Labo nin oo Tanzani u dhalatay oo lagu xiray Kenya, xili ay u socdeen ku biirista Shabaab

July. 15 (Jowhar.com)-Ciidamada dambi baarista dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo looga shakisan yahay argagixisanimo, kuwaasi oo ka soo safray Tanzania kuna soo jeeday Soomaaliya si ay ugu biiraan kooxda Al-Shabaab.

Labada nin oo lagu kala magacaabo Sadam Jafari Kitia oo 30 jir ah iyo C/raxmaan Shaffi Mkwatili oo 25 jir ah ayaa lagu xiray Mooyaale kadib markii ay la dhumeen wadadii ay ku tagi lahaayeen Soomaaliya.

“Waxay adeegsanayeen buug xusuus qor ah oo Sawaaxili ku qoran si ay u hagaan dhaqdhaqaaqooda Tanzania ilaa Jilib ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Agaasinka Dembi-baarista (DCI).

Qabashada ragan ayaa ka dhigaysa in shan qof Tanzanian ah lagu xiray dalka Kenya xilli ay Soomaaliya usoo socdeen, iyagoo doonayay inay ku biiraan shabakadda argagixisada.

Dhowaan ayay ahayd markii booliska ay Gaarisa ku xireen Abdul Saif Salimu, Zuberi Ngare Mtondoo iyo Seif Abdalla Juma xilli ay ku sii jeedeen Soomaaliya.

Saddexda qof ayaa sidoo kale ka soo jeeda dalka aynu jaarka nahay. “Tani waa ka dib markii xubno ka tirsan dadweynaha ay ka warbixiyeen joogitaankooda degaanka Karakora ee degmada Gaarisa, halkaas oo ay ku go’doonsan yihiin ka dib markii ay lumeen,”ayeu DCI raacisay warkeeda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More