Lafta-Gareen “Habeenkii markaan seexdo waxaan ku riyoodaa iyadoo qof la doranayo”

Mar 27 (Jowhar.com) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo xalay kulan sagootin u ah u sameeyay xildhibaanada labada aqal ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka iyo isbedel ay damacsan yihiin.

Lafta-Gareen ayaa qiray in wal-wal xoogan ay ku heyso doorashada iyo dhameystirkeeda, isla-markaana uu habeenkii ku riyoodo iyadoo qof la dooranayo, inkastoo uusan shaacin qofka uu yahay, walow isagu ka mid yahay kooxda madaxweyne Farmaajo.

“Habeenkii markaan seexdo waxaan ku riyoodaa iyadoo qof la doranayo, maadaama aan nahay maamulka heysta xildhibaanada ugu tirada badan ma rabno in nala hoggaamiyo oo annagaa wax hoggaamineyna,” ayuu yiri xili uu khudbad sagootin ah jeedinayay.

Waxa uu dhinaca kale sheegay in xildhibaanada ku metelaya maamulkooda baarlamaanka 11-aad ay ku soo dareen Saraakiil ciidan, taasoo uu tilmaamay iney jawaab uga dhigeen markuu arkay in maamulada kale ay saraakiil Jeneraalo u badan soo dirsadeen.

“Baarlamaanka waxaa ku jiro oo maamulada kale markii ay keeneen aan annagana keennay waxa la yiraahdo Janano, intaas oo dedaal ah markii ay marayeen reer Koonfur Galbeed ujeedadeeda waxa ay ahayd in aan dib inta nagu soo noqotaan oo aan na dhihin waxaas ma qabno oo kuwaas ayaa qaba, wax weliba oo Soomaali heysato waad heysataan, haddii Aqoon ay tahay, Haddii waayo-aragno tahay, Haddii Jananimo tahay, Haddii dhalinyaronimo tahay, Haddii Diin ay tahay iyo haddii ay Maadi tahayba intaba waad heysataan ” ayuu yiri Madaxweyne Lafta Gareen.

Waxa uu ku faanay inay heestaan xildhibaanada ugu badan, ayna dooneyn in la hoggaamiyo, balse iyagu ay wax hoggaamin doonaan, sida uu hadalka u dhigay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More