Lafta-gareen oo sheegay in lala xisaab tamayo dadkii ka danbeeyay dagaalkii Baydhabo.

Dec. 23 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa si kulul uga hadlay dagaalkii xoogganaa ee saaka ka dhacay magaalada Baydhabo, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Lafta-gareen oo laga soo duubay muuqaal soconayay Shan daqiiqo oo la soo dhigay bogga madaxtooyada maamulkaasi ayaa kaga tacsiyadeeyay dadkii ku naf waayay dagaalka, wuxuuna caafimaad deg deg ah u rajeeyay kuwa dhaawacyada ah.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in talaabo laga qaadi doono dadkii ka danbeeyay dagaalka, ma uusa sheegin nooca talaabo ee uu qaadayo maamulkiisa

“Dhacdadii saaka dhacday waan baari doonnaaa, waana la xisaab tami doonnaa cidii ka danbeysa” ayuu yiri madaxweynaha oo wajigiisa laga dheehan karay carada uu la qaaday dagaalka oo kusoo aaday xili bilow ay u tahay mudo kororsigiisa halka sano ah.

C/casiis Lafta-gareen ayaa dhinaca kale ku baaqay iney miiska wadahadalka timaado cid kasta oo tabasho qabta, isagoo ka digay in mar kale dagaal dhiig uu ku daato uu ka dhoco magaalada Baydhabo.

Ciidamadda ayuu ugu baaqay in rasaastooda ay u jiheysnaato oo kaliya kooxda Al-Shabaab oo uu ku sifeeyay cadawga kaliya ee u baahan in loo midoobo sidii loo ciribtiri lahaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More