Lafta-Gareen oo sheegay iney qabteen mid kamida ragii ka danbeeyay qarixii Baydhabo.

August 02 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa ka hadlay howlgalo baaritaana ah ay sameeyeen kadib qaraxii xoogganaa ee Jimcihii ka dhacay masjid ku yaala magaalada Baydhabo.

Lafta-Gareen oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay iney gacanta ku hayaan mid kamida ragii soo abaabulay qaraxaasi oo lagu dilay wasiirkii cadaalada Koofur Galbeed Ibraahim Xasan Lug-buur iyo Wiil uu dhalay oo darawal u ahaa.

Lafta-Gareen ayaa tilmaamay iney shaqsigan ku raadinayaan dhinacyadii kale ee wax ka soo maleegay qaraxaasi, wuxuuna weerarada ku soo noq nqoday deegaanadooda ku sifeeyay in Shabaabku ay ku yareynayaan jabkii ka soo gaaray dagaaladii u danbeeyay ee dowlad deegaanka.

” Qaraxyada ka dhacaya Koonfur galbeed, waa mid ay  Al-Shabaab ugu talo galeen inay indhaha kaga jeediyaan howlgalka ay ka wadaan dowlad deegaanka Soomaalida” ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Si kastaba, Kooxda Shabaab ayaa todobaadkii hore saddex qarax oo ka kala dhacay magaalooyinka Baydhabo,Marko iyo Afgooye ku dishay kudhowaad 20 ruux, dadka dhintay waxaa ku jiray Gudoomiuihii Marko C/llaahi Waafoow iyo wasiirkii Cadaalada Koofur Galbeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More