Mar 18(Jowhar)-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen ayaa shir jaraa’id qabtay, wuxuu si cad ugu dhawaaqay in ay xariirkii ay lalahaayeen dawladda Faderaalka ay jareen oo meesha ka saareen, ka dib markii ay DFS u dhaqantay si ka baxsan xadka dawladnimada, burburinta Nidaamka Faderaalka ee dalka ku dhisan yahay, halis amni-na ay buurtay.
Wuxuu sheegay in ay dawladda Faderaalka ka shaqeynayso kala geynta dalka, Midnimadu aysan qiimo ugu fadhiyin, madaxweyne Xassan Sheikhna diiday talooyinka waxgalka ah & in daruufaha adag wadajir looga gudbo.
Madaxweynaha KG ayaa ku adkeystay in ay xaq u leeyihiin madax banaanida deegaankooda, hubeynta maleeshiyaad & abaabulka wax ugu yeeray kooxo aan katirsaneyn nidaamka dawliga ah ayuu ku eedeeyey dawladda Faderaalka.
Talaabada ay qaadena ay tahay xaq dastuuri ah oo ay leeyihiin oo aysan gorgortan ka galeynin.










