Laftagareen oo shahaadooyin Guddoonsiiyay Xildhibaano iyo Sanataradii lagu doortay Koofurgalbeed

Mar 26 (Jowhar.com) – Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa guddoonsiiyay Shahaadada Kumeel gaarka ah ee Xildhibaanada iyo Senatarada ka soo baxay Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.
Xubnaha shahaadada la guddoonsiiyay ayaa waxaa ku jira Xubno kuraastooda uu hakiyay Guddiga FEIT, waxaana xubnaha u baahnaan doonaan Shahaadada rasmiga iyo kaararka Aqoonsiga ah ee caddeyneysa Xildhibaannimadooda.

Maamul goboleedka Koofurgalbeed ayaa inta badan xildhibaanada lagu soo doortay waxa ay yihiin kuwo xilal ka hayay Maamulka Koofurgalbeed,waxaana ka mid ah guddoomiyihii Baarlamaanka Koofurgalbeed iyo wasiirka arrimaha dibbada Koofurgalbeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More