Laftagareen oo xariga ka jaray Terminalka cusub ee garoonka diyaaradaha magaalada Xudur

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdiasiis Xasan Maxamed Laftagreen ayaa xariga ka jarey dhismaha cusub ee Tariminalka garoonka diyaaradaha ee Magaalada Xudur oo dhismihisa lasoo gabagabeyey.

Dhismaha Tariminalka cusub ee garoonka Xudur ayaa qeyb ka ah qeybta VIP-da oo si qurux badan loo dhisey iyo qeybaha kale ee Tariminalka uu ka kooban yahay.

“Sharaf ayay noo tahay in maanta xariga aan ka jarno tarminalka cusub ee garoonka diyaarada magaalada xudur ,waa wax aad u weyn oo wax qabad leh in isku tashi lagu dhiso tarminaalkan oo baahi weyn ay uqabeen bulshada” ayuu yiri Lafta gareen.

Laftagareen ayaa booqasho ku jooga magaalada Xudur waxana uu kulamo la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More