Lavrov oo dhaleeceeyay mawqifka reer galbeedka ee booqashadiisa Itoobiya

July 27 (Jowhar.com)-Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay in Moscow ay taageerayso dadaalka Itoobiya ee lagu xasilinayo xaaladdeeda siyaasadeed ee gudaha wadankaas isagoo soo bandhigay faragelinta reer galbeedka.

Lavrov oo soo gebagebeeyey socdaal afar waddan oo Afrikaan ah oo uu ujeedkiisu ahaa in xukuumadda Moscow, ay taageero ugu hesho duullaanka Ruushku uu ku qaaday Ukraine.

Itoobiya ayaa waxaa loo tixgeliyey inay tahay xulafada adag ee reer Galbeedka ilaa uu ka qarxay bishii Nofeembar 2020 gobolkeeda woqooyi ee Tigray.

Dowladda Itoobiya ayaa cadaadis kala kulmeysay dowladaha Mareykanka iyo Midowga Yurub oo ku aadan qaabka ay u waddo colaadda, ay ku dhinteen kumannaan qof, malaayiin kalena ay ku barakaceen.

“Waxaan xaqiijinnay taageeradayada adag ee dadaalkaas ay dowladdu samaynayso si ay xaaladda u dejiso oo aan u bilowno wada-hadal qaran oo loo dhan yahay si loo xalliyo su’aalaha muhiimka ah,” Lavrov ayaa yiri shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen dhiggiisa Itoobiya Demeke Mekonnen.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Itoobiya Demeke Mekonnen ayaa sheegay in dalkiisu uu uga mahad celinayo taageerada hagar la’aanta ah ee Ruushka uu uga caawinaya ilaalinta madax banaanida Itoobiya.

Dawladda Itoobiya ayaa ku eedaysay dadka ajaanibka ah ee dhaleeceeya inay doonayaan inay si aan habboonayn u farageliyaan arrimaheeda gudaha.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Ruushka ayaa khudbad nus saac ah oo uu u jeediyay dublamaasiyiinta safaaradda Ruushka ee Addis Ababa ayuu ku soo bandhigay mawqifka dawladda Ruushka ee ku aaddan Ukraine iyo guud ahaan xiriirka caalamiga ah.

“Waan hubaa in badi dalalka adduunku aysan rabin inay u noolaadaan sidii waayihii gumaysiga,” ayuu yiri.

Safaarada Ruushka ayaa diiday inay sheegto safiirada lagu casuumay xaflada, Su’aalo ayaa la waydiiyay dublamaasiyiinta Koonfurta Suudaan, Aljeeriya iyo Pakistan ka hor inta aanu Lavrov bixin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More