Liibiya oo si rasmi ah uga codsatay Lubnaan in la sii daayo Hanibal Qadaafi

Aug. 14 (Jowhar.com)-Maamulka garsoorka Liibiya ayaa si rasmi ah uga codsaday Lubnaan inay sii deyso mid ka mid ah wiilasha uu dhalay hogaamiyihii hore Mucamar Al-Qadaafi sababo la xiriira caafimaadkiisa oo sii xumaanaya.

Hannibal Qadaafi ayaa tan iyo sanadkii 2015-kii waxa uu ku xirnaa dambi la’aan gudaha dalka Lubnaan, waxaana xaaladiisa caafimaad ay sii xumaaneysay tan iyo markii uu cuntada ka soomay 3-dii bishii June ee sanadkan, isaga oo ka mudaaharaadaya xabsiga uu ku xiran yahay oo aan maxkamad la soo taagin.
Hase yeeshee,Waxa la geeyey isbitaal ugu yaraan laba jeer ilaa wakhtigaas oo waxa uu cabbay biyo yar oo kaliya.

Sida laga soo xigtay laba sarkaal oo ka tirsan garsoorka Lubnaan dacwad oogaha guud ee Liibiya Al-Sediq al-Sour ayaa codsiga bishan u diray dhiggiisa Lubnaan, Ghassan Oueidat. Saraakiishan oo la hadlay wakaalada wararka ee AP ayaa diiday in magacooda la shaaciyo maadaama aan loo ogolayn inay la hadlaan warbaahinta.

Qoraalka ka soo baxay al-Sour ayaa lagu sheegay in iskaashiga Lubnaan ee arrintan ay gacan ka geysan karto muujinta runta ku saabsan masiirka hoggaamiyaha caanka ah ee Shiicada Lubnaan, Moussa al-Sadr, oo lagu waayay gudaha dalka Liibiya sanadkii 1978-kii.

Waxa la iswaydiiyay sababta loo haysto Hannibal Qadaafi oo la waydiistay in loo dhiibo Liibiya ama loo ogolaado inuu dib ugu laabto Suuriya oo uu musaafuris kula noolaa xaaskiisa Aline Skaf oo u dhalatay Lubnaan iyo caruurtooda.

Waxaa la aaminsan yahay in wiilkan uu dhalay Qaddafi siddeed sano ka hor laga soo afduubtay dalka SIiriya lana keenay Lubnaan siddeed sano ka hor,iyadoo maleeshiyaad soo afduubtayay dalbadeen in la sheego halka uu ku sugan yahay al-Sadr.

Booliiska Lubnaan ayaa markii dambe ku dhawaaqay inay Qadaafi ka soo qaadeen magaalada Baalbek ee dhacda waqooyi bari Lubnaan, halkaasoo lagu hayay,waxaana la geeyey xabsiga Beirut.

Dacwad oogaha Lubnaan ayaa hadda kiiska u gudbiyay Zaher Hamadeh, oo ah garsooraha baarista kiiska al-Sadr ee maqan, kaas oo eegaya codsiga Liibiya.

Iyadoo la la’ yahay al-Sadr tan iyo sanadkii 1978 ayaa qoyskiisa waxa ay aaminsan yihiin in laga yaabo in uu wali nool yahay oo uu ku xiran yahay xabsi ku yaala Liibiya inkastoo inta badan dadka Lubnaan ay aaminsan yihiin in al-Sadr uu dhintay, Waxayna da’adiisu noqon lahayd 94 sano jir.

Wuxuu ahaa aasaasihii kooxda Amal, ee maleeshiyada Guutooyinka iska caabinta Lubnaan.

Kooxdu waxay ka dagaalameen dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Lubnaan intii u dhexeysay 1975-1990 . Afhayeenka baarlamaanka awoodda badan ee Lubnaan, Nabih Berri, ayaa madax u ah hadda kooxda.

Inta badan taageerayaasha al-Sadr waxay ku qanacsan yihiin in Mucamar Al-Qadaafi uu amray al-Sadr in lagu dilo muran ka dhashay lacagaha Liibiya ay siiso maleeshiyaadka Lubnaan.

Liibiya waxa ay ku adkaysatay in al-Sadr iyo labadii saaxiib ee la socday ay ka tageen Tripoli 1978 dii iyaga oo u duulay Rome waxana ay soo jeediyeen in uu dhibane u ahaa dagaal awoodeed oo ka dhex jiray kooxaha shiicada ah.

Mucamar Al-Qadaafi waxaa dilay dagaalyahanno mucaarad ah intii lagu jiray kacdoonkii Liibiya ee isu beddelay dagaal sokeeye, kaasoo soo afjaray afartankii sano ee uu xukumayay waddanka ku yaalla Waqooyiga Afrika.

Hannibal Gaddafi, oo dhashay laba sano ka hor waqtigii la waayay al-Sadr, ayaa u cararay Algeria ka dib markii aabihiis la riday, Tripolina ay gacanta u gashay dagaalyahanada mucaaradka.

Wuxuu la baxsaday hooyadiis iyo dhowr kale oo qaraabo ah. Ka dib waxa uu u sii gudbay dalka Suuriya, halkaas oo uu ka helay magangelyo siyaasadeed oo uu ku sugnaa ilaa laga soo afduubay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More