Dec 08(Jowhar)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dhowr qof oo siyaabo kala duwan saacadihii u danbeeyay loogu dilay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
Aroortii hore ee saaka, koox hubeysan ayaa sarkaal Ciidan ku dishay magaalada Belexaawo, kuwaasoo toogashada kadib goobta isaga baxsatay.
Xalay Afar dhalinyara ah ayaa hal goob lagu toogtay, Ragga la dilay laba kamid ah walaalo ayey ahaayeen, halka labada kalena ay ehel hoose yihiin. Xiliga la tooganayay waxey la joogeen wiil xanuunsanahay, kaasoo isaga xitaa la dilay.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in shalayna magaalada uu dil ka dhacay, iyadoo aan cidi loosoo qaban falalkan.
Beledxaawo oo dhacda xadka Kenya, waxaa gacanta ku heysa dowladda, walina wax war ah arrimahan meysan kasoo saarin.










