Lix xildhibaan oo maanta lagu doortay magaalada Beledweyne

Magaalada Beledweyne oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa maanta waxaa ka bilowday doorashada golaha shacabka iyadoo lagu soo doortay lix xildhibaan.

Inta badan doorashada ka dhacday maanta magaalada Beledweyne ayaa ahaa kuwo aan tartan adag ka dhicin oo hore loo sii ogaa musharaxiinta ku guuleysanaysa doorashada.

Kursiga HOP#074 ayaa waxaa isku soo taagay tartamay Musharixiinta Cabdikariim Cumar Xuseen iyo Cabdishakur Cabdullahi Axmed, waxaana tanaasulay Cabdishakuur Cabdullaahi Axmed, cod loo qaaday ayuu Cabdikariim Cumar Xuseen helay 98 cod oo ah dhammaan ergada soo xaadirtay.

Sidoo kale kursiga tirsigiisu yahay HOP#109 ayaa waxaa isku soo sharaxay Cabdifatah Qaasim Maxamuud iyo Xamda Maxamed Muuse,hase yeeshee waxaa tanaasushay Hamda Maxamed Muuse waxaana ku soo baxay kursigan Cabdifatah Qaasim Maxamuud oo ah wasiir ku xigeenka gaashaandhigga ayaa markii labaad loo doortay kadib markii uu helay dhammaan codadka ergada soo xaadirtey oo gaareysay 92 cod.

Doorashada maanta ka dhacday beledweyne oo ahayd mid la isu tanaasulayay oo tartan weyn aanu ka dhicin ayaa sidoo kale waxaa mar labaad lagu doortey oo ku soo baxay Maxamed Cabdullahi Xasan NUUX kadib markii ay tanaasushay Fardowsa Xasan Ismaaciil oo malxiis u ahayd.

Waxaa sidoo kale kursiga tirsigiisu yahay HOP#008 lagu doortay tartan la’aan Maxamed deeq Barre cumar”Fiyoore” kadib markii uu u tanaasulay Ibrahim Axmed Inji.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#015 ayaa waxaa ku soo baxday markale Xiis Xasan Aadan kadibmarkii ay u tanaasushay Maryan Xasan Cabdi.

Musharax xildhibaan Marwo Xiis Xasan Cabdi ayaa loo qaaday codka kalsoonida ee ergada oo ay soo xaadireen 97 Ergay, Waxa ay heshay 92 cod, waxaaa diiday 5 qof.

Balse doorashadii ugu horeysay ee maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ayaa waxaa lagu daahfuray doorasho tartan kooban ah oo uu ku soo baxay Fahad daahir Axmed (Fahad Yasin) ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#086 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 70 -cod halka musharaxii la tartamayay Axmed Maxamed Ahmed uu heley 24-cod

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More