Lloyd Austin;”ciidamada Soomaaliya waxay muddo sanad sameeyeen horumar ka badan kuwii 5-tii sano ee la soo dhaafay”

Sep 26 (Jowhar.com)-Xoghayaha difaaca ee Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,hase yeeshee waxa uu ka digay in kooxda argagaxisada ay wali weeraro ka soo qaadi karaan meelaha aan la maamulin”.
Austin ayaa u sheegay wariyeyaasha isagoo ku sugan dalka Jabuuti in sanadkii la soo dhaafay ay ciidamada Soomaaliya sameeyeen horumar weyn.

“Waxaan filayaa inay ciidamada Soomaaliya sameeyeen horumar ka badan kuwii la sameeyay shantii sano ee la soo dhaafay,” ayuu

Austin ayaam Axadii aynu ka soo gudubnay magaalada Jabuuti kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo qeyb ka ah booqashadiisii ​​ugu horeysay ee uu ku tago qaaradda Afrika isagoo ah xoghayaha difaaca.

Sidoo kale Austin waxa uu hore ula kulmay madaxweynaha Jabuuti iyo wasiirka gaashaandhigga, isagoo uga mahad celiyay marti gelinta saldhigga koowaad ee Mareykanka ee Afrika iyo taageerada ay Soomaaliya ka siiyeen dagaalka ay kula jiraan kooxaha xagjirka ah.

Ciidamada Soomaaliya iyo malleeshiyo beeleedyada huwanta ah ayaa sii wada in ay al-Shabaab ka saaraan gobollada dhexe ee Soomaaliya taas oo qayb ka ah duullaanka militariga dalka tan iyo markii uu madaxweynuhu ku dhawaaqay dagaal guud oo ka dhan ah xagjiriinta Agoosto 2022.

Si kasta ha ahaatee argagixisadu waxay sii wadeen weerarada ay ku hayaan ciidamada Soomaaliya, iyadoo gaari xamuul ah uu ku qarxay meel u dhow koontaroolka ciidamada ammaanka ee bartamaha Soomaaliya ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Sabtidii la soo dhaafay ayna ku dhinteen 21 qof, 52 kalena ay ku dhaawacmeen. Ciidamada ammaanka ayaa lagu wargeliyay gaarigan, waxaana ay baarayeen markii uu qarxay, sida uu sheegay degmada Beledweyne Cumar Cismaan Calasow.

Kulanka Austin iyo Maxamuud ayaa ku soo beegmaya laba maalmood ka dib markii weerar hub fudud loo adeegsaday lagu qaaday xero ciidan oo ku taalla deegaanka Kulbiyow ee Soomaaliya, halkaas oo uu ku dhaawacmay hal qandaraasle oo Maraykan ah iyo xubin ka tirsan ciidamada la shaqeeya, sida uu VOA u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan gaashaandhigga.

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaas ay ku dhaawaceen afar askari oo Mareykan ah iyo sagaal ka tirsan ciidamada Kenya.

Sarkaal sare oo ka tirsan gaashaandhigga ayaa VOA u sheegay in laga badbadiyay warkaas isaga oo intaa ku daray in aanay jirin cid Maraykan ah oo ku dhaawacantay, dhaawaca qandaraasluhuna aanu u baahnayn daawo.

Dagaaladii ugu dambeeyay ayaa sababay in madaxda Soomaaliya ay raadiyaan in dib loo dhigo muddo 90-maalmood ah oo la qorsheeyay in la dhimo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika.

“Madaxweyne Maxamuud waxa uu rabaa in uu sameeyo wax kasta oo uu awoodo si uu xawliga dagaalka u sii wado,” ayuu Austin u sheegay VOA-da, isaga oo aan ka hadlin codsiga Soomaaliya ee Midowga Afrika.

Saddex kun oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ayaa la filayaa in dhamaadka bishan ay ka baxaan Soomaaliya, iyadoo dhammaan ciidamada Midowga Afrika lagu wado inay isaga baxaan dhamaadka sanadka soo socda.

“In la joojiyo taageerada Soomaaliya waqti hore ama aan la bixin dhaqaale ku filan si looga hortago xagjiriinta Islaamiga ah ee Afrika, waxay u oggolaan kartaa kooxaha argagixsada in ay dalka qabsadaan si la mid ah sidii Taalibaan ay sameeyeen markii Maraykanku uu ciidamadiisa kala baxay halkaas,” ayuu yiri Bill Roggio, oo ah askari hore iyo tafatiraha Mu’asasada Difaaca Dimuqraadiyada’ Long War Journal, kaas oo daabaca warbixinta iyo falanqaynta dadaallada caalamiga ah ee ka hortagga argagixisada.

“Waxaan ka hawlgaleynaa meelaha fog ee ka dhanka ah kooxahan jihaad doonka ah, anagoo ilaalinayna,” ayuu Roggio u sheegay VOA. ”

Xoghayaha difaaca ee Mareykanka Lloyd Austin ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha cakiran ee ka jira galbedka Afrika waxana uu sheegay in Maraykanku aanu dib u bilaabayn hawl-gallada ka hortagga argagixisanimada ee ciidamada millatariga Niger, balse uu sameeyay hawl-gallo sirdoon, ilaalin iyo sahan si ay ciidamadooda uga ilaaliyaan khataraha iman kara.  Xigasho;VOA

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More