Lukashenko;”Madaxii Wagner Prigozhin waxa uu ku sugan yahay Ruushka”

Jully. 06 (Jowhar.com)-Hogaamiyihii mudada dheer Belarus Alexander Lukashenko ayaa sheegay in Madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner, Yevgeny Prigozhin oo hogaaminayay fallaago hubaysan oo kacdoon ka sameeysay Russia inuu ku sugan yahay gudaha dalka Ruushka .

Meesha uu ku sugan yahay Prigozhin ayaa ahayd qarsoodi tan iyo markii lagu arkay koonfurta Ruushka intii uu socday kacdoonka.

Sida uu dhigayo heshiis lagu soo afjarayayay ismariwaaga, eedeymaha ka dhanka ah Prigozhin waa la laalay waxaana loo ogolaaday inuu u guuro Belarus.

Mr Lukashenko oo gacan ka geystay dhexdhexaadinta heshiiska Putin iyo Prigozhin ayaa hore u sheegay in hogaamiyaha Wegner uu joogo Belrus.
Hase yeeshee maanta ayuu Mr Lukashenko markale u sheegay suxufiyiinta in Prigozhin, uusan joogin Belarus balse uu ku sugan yahay magaaladaSt Petersburg, ee dhulka Belarus.

Kooxda Wagner waa ciidan gaar ah oo calooshood u shaqeystayaal ah kuwaas oo ka barbar dagaalamayey ciidamada caadiga ah ee Ruushka ee Ukraine.
Kooxda Wagner ayaa isaga soo baxay saldhigyo ay ku lahaayeen gudaha Ukraine iyagoo gudaha u soo galay magaalada Koofurta Ruushka ku taal ee Rostov-on-Don, iyagoo la wareegay taliska qaar ka mid ah xarumaha amniga.

Dagaalyahanada Wagner ayaa markaas u safray dhanka Moscow, taasoo keentay in Kremlin-ka uu soo rogo ammaan adag oo laga sameeyo gobollo badan oo ay ku jirto caasimadda.

Vladimir Putin ayaa kooxdan ku eedeeyay khiyaano qaran, balse heshiiskii lagu soo afjaray gabood-fallada, Prigozhin ayaa loo ballan qaaday ammaan, waxaana la laalay dacwaddii dambiyada Ruushka ee Wagner.

Dagaalyahanadeeda ayaa loo sheegay inay saxeexi karaan qandaraasyo ciidan oo joogto ah, inay guryahooda aadaan ama ay aadi karaan Belarus.

Mr Lukashenko ayaa hore u sheegay in calooshood u shaqeystayaasha Wagner la siiyay saldhig milatari oo banaan,hadii ay rabaan in ay ku biiraan hogaamiyahooda.
Mr Lukashenko waxa uu sheegay in dalabka Wagner uu ku doonayo in uu qaar ka mid ah dagaalyahannadiisa ku xareeyo Belarus ay walaac gelisay dalalka deriska ah ee Nato taasna ay weli taagan yahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More