Maamul goboleedyada oo ku dhawaaqay iney joojiyeen wada shaqeyntii Wasaarada Maaliyada Soomaaliya

August 30 (Jowhar.com)-Wasiirada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada ayaa shaaciyay inay gebi ahaanba joojiyeen wada shaqeyntii Wasaaradda Maaliyadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ay wadajir u soo saareen maamul goboleedyada ayaa sababta go’aankooda lagu sheegay kaddib markii ay wasaarada Maaliyadda Soomaaliya si bareer u baal martay dhammaan heshiiyadii horay u dhex maray.

Kulan foggaan arag ah oo ay yeesheen Shanta wasiir Dowlad goboleed ayaa waxay ku sheegeen in aanay wax wada shaqeyn jiri doonin inta Wasaaradda Maaliyadda DFS ku soo laabaneyso xeyndaabka sharci iyo fulinta heshiisyadii ay horay galeen.

Talaabadan ayaa noqoneysa jalaafadii u horeysay ee maamul goboleedyada u dhigaan dowladda curdunka ah ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, lama oga falcelinta ay xukuumadda arrintaasi ka sameyn doonto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More