Maamulka Galmudug oo ka hadlay dagaalo ka dhacay Koofurta Mudug

Dowlad Goboledka Galmudug ayaa guulo ka sheegtay dagaal shalay ka dhacay deegaano ku yaal Koofurta Mudug.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in khasaare xoog leh ay gaarsiiyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab dagaallo ka dhacay Koofurta Gobolka Mudug.

Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in maleeshiyo badan ay ka dileen dagaalamayaasha Alshabaab dagaal shalay gelinkii dambe ka dhacay Koofurta Mudug.

Waxa uu sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Galmudug uu sheegay inay howlgalada ka socda Koofurta Mudug ay sii soconayaan.

“Howlgalo ay ciidamada dowlada iyo kuwa dowlad goboleedka Galmudug ay ka wadaan Koofurta Mudug waxa ay ku sii siqayaan magaalo xeebeedka Xarardheere.”ayuu yiri Wasiir Falagle.

Hase yeeshee dagaal xoogan oo shalay ka dhacay deegaanka Shabeelow ayaa lagu diley illaa shan askari oo ka tirsan daraawiishta Galmudug waxana ka mid ahaa sarkaal madax ka ahaa urur ka tirsan ciidamada daraawiishta.

Ururka Al-Shabaab ayaa dhankiisa sheegtay in uu ku dilay illaa 30 Askari, halka ay dhaawacday tobaneeyo ayna dagaallka ku qabteen Taliyaha Ciidamada Badda Dowlad goboleedka Galmudug Xirsi Cali Shire.

Xaalada ammaan ee goobihii dagaaladu ka dhaceen shalay ayaa degen saaka balse waxaa laga cabsi qabaa in dagaaladu markale halkaa ka dhacaan iyadoo gurmad iyo hub urursi ay labada dhinac ka wadaan Koofurta Mudug.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More