Maamulka Galmudug oo kala direy guddiga farsamada dhismaha golayaasha deegaanka

Maamul goboleedka Galmudug ayaa kala direy guddigii farsamada dhismnaha golayaasha deegaanka kadib markii uu xoogeystey khilaafka ka jira habka loo dhisayo golaha deegaanada Galmudug.

Qoraal ka soo baxay Wasiir kuxigeenka Arimaha guddaha Galmudug ahna sii hayaha xilka wasiirka ayaa lagu kala diray guddigii farsamada dhismaha Goleyaasha deegaanada Galmudug.

Dhowaan ayaa waxaa guddigan uu dhisay golaha deegaanka degmada Balabballe taasoo ka dhalatay khilaaf sababay in shaqada laga eryo wasiirkii arrimaha gudaha Galmudug.

Arintan ayaa kusoo aadey iyadoo gudigani qorsheynayay in uu Balanballe maanta ku qabto doorasho aan heysan sharciyad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More