Maamulka Galmudug oo u aqoonsaday Guriceel degmo buuxda

Kulan ay xalay ku yeesheen magaalada Guriceel oo toddobaadkan dagaalo ka dhaceen Golaha Wasiirada Galmudug ayaa isku raaciyay in magaalada Guriceel loo aqoonsado degmo buuxda.

Golaha Wasiirada Dowladda Galmudug oo warbixin ka dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa dood iyo falanqeyn kadib u gacan taagay si aqlabiyad ahna u ansixiyay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Ansixinta Degmada Guriceel ayaa timid kadib markii Golaha Wasiiradu xeeriyeen warbixinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo federaalka.

Lama oga sababta ka dambeysa in si dhaqso ah loogu aqoonsado Guriceel Degmo kadib markii ay isaga baxeen ururka Ahlu Sunna.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ururka Ahlu Sunna ay dalbadeen in degmo buuxda loo aqoonsado degmada Guriceel kahor intaysan isaga bixin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More